HomeWararka DDSGodey ayaa samaynaysa kobac iyo isbaddal ballaadhan oo dhinaca horumarka ah, kaddib...

Godey ayaa samaynaysa kobac iyo isbaddal ballaadhan oo dhinaca horumarka ah, kaddib markii ay dawladdu wax badan ka qabatay, hirgelinta kaabayaasha horumarineed ee magaalada.

Godey ayaa samaynaysa kobac iyo isbaddal ballaadhan oo dhinaca horumarka ah, kaddib markii ay dawladdu wax badan ka qabatay, hirgelinta kaabayaasha horumarineed ee magaalada.

Magaalada waxaa ka socda raad horumarineed oo ay Dawladdu hormuud ka tahay, marka la fiiriyo dhismayaasha laamiyada dhammaaday iyo kuwa xawliga ku socda, oo laf dhabar unoqonaya isbaddalka horumarineed ee ay samaysay Godey wakhtigan, taasi oo sabab unoqotay in maalqabeennadu kusoo hirtaan magaalada.

Bulshada ku nool magaalada ayaa badi ku mashquulsan, ganacsiga, xoogsiga iyo tabcashada beeraha oo ah midhaha ay ka dhaxleen Wabiga Shabeelle, oo hareerta ka mara. Wabigan oo mara guud ahaan degmooyinka Gobolka, marka laga reebo Dhanaan iyo Eleelle ayaa ka dhiga (Shabeelle) Gobolka ugu wax-soo-saarka badan Deegaanka.

Walow ka faa’iidaysiga khayraadka Wabigu uu horraan liitay (dhanka wax-soo-saarka) haddana waxaa jira yaddadiilo ballaadhan oo dib rajo ugalisay bulshada maadama wixii isbaddalka ka danneeyay la qaatay heer Dal iyo Deegaan ahaanba, in kor loo qaado isku filnaanshaha bulshada. Si qorshahani umidho’dhalana ay dawladdu doorkeeda muujisay taasi oo baraarug fiican unoqotay bulshada oo haatan ku fooggan ka faa’iidaysiga khayraadka Deegaanka.

Marka laga tago faa’iidooyinka iyo waxtarka uu bulshada Godey kusoo kordhiyay Wabi Shabeelle oo aan lasoo koobi karin, waxaa ugu yar oo iyana jira bulshooyin danyar ah oo noloshooda dhaqaale ku maareeya xaabada ama qoryaha la shito oo labo xili oo uu wabigu biyo keeno ushaqo taga Hilada Xaableey, oo ah goobta ay ka uruursadaan.

Mawliid Maxammuud; Waxaan ahay xoogsato, waxaana noloshayda ku maareeyaa, dhaqaalaha igasoo gala xaabada aan ka uruuriyo halkan, oo ah ( Hilada Xaableey). Ma mooganin halista Yaxaasyada khatarta badan ee kujira wabiga, haddana mararka aanu isagu nimaano halkan waa Yaxaaskee_ waan uga tagnaa. Xiliyada qaarkood waxaan ka helaa lacag dhan 30 kun oo Birr xaabada aan halkan ka qabsado.

Qorshahan wabiga looga qabsanayo xaabada ayaa ah mid la jaan qaadaya badqabka iyo ilaalinta Beeyada/Deegaanka, maadaama aanan la jaraynin dhirta balse kuwa uu wabigu soo qaaday looga faa’iidaysanayo, dabka/dhuxusha iyo dhismaha guryaha qaarkood.

Kahor inta aysan xukuumaddu ka hirgelinin Godey Barnaamijka biyo-gelinta oo ay ku bixisay malaayiin Birr; Hilada Xaableey waxaa tumnaan jiray biyoole-yaal ama gaadhi-dameerlayaal ugasoo aroora magaalada halkan!

Somali network 24

RELATED ARTICLES

Wararka ugu Dambeeyey

Recent Comments