80 Goobood ayaa helay laydhka 24-ka lixdii sano isbadalka ka dambaysay DDS,
Sidoo kale isbadalkii kadib Waxaana la qoday 302 Ceel, waxaana biyo-galib loo sameeyey 15 magaalo kuma jirto biga galinta laga sameeyey Goobaha miyiga.
wixii isbadalka ka dambeeyey waxaana sidookale biyo-galin loo sameeyey 15 Magaalo waxaan ku
1. Ceelasha la qodey isbadalkii kadib: 302
2. biyo galinada magaalooyinka : 15 magaalo
Korontadu waxay kamidtahay Adeegyada ay bulshadeenu baahida badan uqabto. Inkastoo ay wali taagantahay suaasha/tabashada laxidhiidha Adeega korontada, hadana waxaa marag madoon ah in isbadalkii kadib xukuumadu ‘ayadoo kaashanaysa Lanta fidinta laydhka ee federalka’ ay dadaal badan galisay sidii bulshada deegaanka loo gaadhsiinlahaa Adeega korontada 24ka saac.
Waxaana 6dii sano ee isbadalka kadanbaysay lagu guulaystay in Adeega laydhka 24ka saac lagaadhsiiyay 80 goobood. Kuwaas oo 20 kamid ah ay yihiin xarumo degmo halka 4 na ay yihiin Xarumo Gobol:
1.Qarsadula(Liiban)
2.Bilcilbuur(Jarar)
3.Dhagaxmadow(Jarar)
4.Dhadhamane(Fafan)
5.Shabeeley(Fafan)
6. Raaso(Afdher)
7.Ley(Dhawa)
8.Wardheer(Doolo)
9.Abaqorow(Shabele)
10. Elele(Shabele)
11. Dheka suf(Liiban)
12. Dhagaxbur(Jarar)
13. Yocale(Jarar)
14. Gunagado(Jarar)
15. Awaare (Jarar)
16. Birqod(Jarar)
17. Qabridahar(Qoraxay)
18. Shilaabo(Qoraxay)
19. Sheykosh(Qoraxay)
20. Kudunbuur(Qoraxay)
21. Higloley (Qoraxay)
22. Daratole(Doolo)
23. Laasdhankayrle(Qoraxay)
24. Mula (Fafan)
Waxaa sidookale isbadalkii kadib la dhamaystiray labo xarumood oo ah kuwa laga qaybiyo korontada (substations) kuwaas oo kuyaala magaalooyinka Qabridahare iyo Dhagaxbuur. Sidookale waxaa la kordhiyay Awooda korontada Magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda.
Isbadalka kahor, tirada qoysaska hela Adeega korontada 24ka saac waxay ahaayeen 38,030. 6dii sano ee udanbaysayna waxaa adeega korontada loogaliyay 41,279 qoys oo cusub, taas oo tirada guud ee qoysaska hela Adeega korontada Deegaanka soomaalida kadhigaysa 79,400 qoys.
Waxaa intaas dheer oo meelo kaladuwan oo deegaanka ah kasocda mashaariicda ballaadhinta adeega korontada kuwaas oo isugujira Mashaariicda ‘Solarka’ iyo kuwa ‘Hydro-electric Powerka’.