HomeWararka DDSDhul cabirkiisu dhanyahay 19.2 hiktaar oo u dhigma 120 qoodi, looguna talo’galay...

Dhul cabirkiisu dhanyahay 19.2 hiktaar oo u dhigma 120 qoodi, looguna talo’galay xabaalo ayaa wuxuu Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ee DDS ku wareejiyay Maamulka Magaalada Jigjiga.

Dhul cabirkiisu dhanyahay 19.2 hiktaar oo u dhigma 120 qoodi, looguna talo’galay xabaalo ayaa wuxuu Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ee DDS ku wareejiyay Maamulka Magaalada Jigjiga.

Dhulkan oo ku yaala tuulada Qabuuralay oo magaalada Jigjiga ujirta 12-Km, cabirkiisuna dhanyahay 19.2 hiktaar ayaa loogu talo’galay in lagu xaliyo dhibaatada dhanka xabaalaha ka haysatay magaalada Jigjiga, waxaana dhulkan dadkii lahaa uu Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ee DDS uu mag-dhaw ahaan usiiyay lacag dhan 18 milyan oo birr,

Munaasibadda wareejinta dhulkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay, Wasiir kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ee DDS, mudane. Dayib Muxumed Jaamac, Duqa maamulka Magaalada Jigjiga Eng. Shaafi Axmed iyo guddoomiyaha Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka DDS, Sheekh Axmed Maxamed.

Masuuliyiintan ayaana sheegay in dhulkan uu wax badan ka tarayo baahidii ka jirtay dhanka xabaalaha ee magaalada Jigjiga, waxayna tilmaameen in dhulkan loo diyaarinayo nidaam sahlaya qaabkii sida ugu wanaagsan looga faa’iidaysan lahaa oo ka duwan xabaalihii hore ee ay magaaladu lahayd, Eng. Shaafi Axmed, Duqa Maamullka Magaalada Jigjiga ayaa xusay in sababta masaafada intaas dhan loogasoo fogeeyay magaalada xabaalahan ay tahay kobaca xawliga ah ee ay magaaladu ku socoto.

 

Somali network 24

RELATED ARTICLES

Wararka ugu Dambeeyey

Recent Comments