Lixdii sano ee u dambaysay deegaanka waxaa laga dhaqan-galiyey isbeddel mug leh oo ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaallaha, maalgashiga iyo adeeg-bixinta.
1. Kobcinta Dhaqaalaha
Waxa dib u habayn lagu sameeyeey dhaqaalaha, adeeg bixinta, farsamooyinka casriga ah iyo caddaaladda. Taasi waxay abuurtay kobac dhaqaale oo xooggan.
Dakhliga dawladda ee 2010 T.I waxa uu ahaa 3 Bilyan oo Birr, halka 2016-ka la gaadh-siiyey 13.5 Bilyan oo Birr.
Taasi waxay la macne tahay in la sameeyey kobac dakhli oo dhan 350%.
2. Kor-u-qaadista miisaaniyadda
Si la mid ah miisaaniyadda deegaanka waxaa ku korodhay 25.4 bilyan oo Birr una dhiganta 244%, waxaa iskusoodhawanaya Caawimaada federalka iyo Dakhliga Deegaanka gudihisa lagasoosarayo(43% & 57%).
3. Maalgashiga
Dhanka maal-gashiga lixdii sano ee u dambaysay waxaa fasax maalgashi la siiyey 3100 maal-qabeen, kuwaasi oo muwaadiniinta deegaanka shaqo abuur u sameeyey.
Waxa maal-gashi lagu sameeyey dhincayada beeraha, xoolaha, macdanta, warshadaha iyo adeegyada kale ee bulshada.
Waxa xoogga la saaray maalgashiga dhanka warshadaha iyada oo la hirgaliyey 317 warshadood halka isbeddelkii ka hor warshadaha deegaanku ay ahaayeen 80 warshadood oo keli ah taasi oo shaqo ay ka heleen 20,140 muwaadin.
Waxa dib u habayn lagu sameeyey ganacsiga, iyada oo meesha laga saaray ganacsigii shakhsiyaadka u xidhnaa waxaana awoodda la saaray ka hortaga sicir bararka.
4. Dib-u-habaynyta shaqaalaha dawlada
Si loo dhiso awoodda iyo kartida shaqaalaha dawladda waxa dib u habayn lagu sameeyey shaqaalaha taasi oo fududaysay in natijo wanaagsan la gaadho, dib u habaaynta shaqaalaha sm 2017 ayuu dhamaan Inshallah.
5. Waxbarshada
Lixdii sano ee u dambaysay waxaa la dhisay 561 dugsi kuwaas oo isugu jira dugsiyo Hoose/Dhexe iyo Sare, waxaa meesha laga saaray nidaamkii qish-ka waxana la casriyeey imtixaanka.
6. Shaqo-abuurka
Lixdii sano ee u dambaysay waxaa la abuuray fursado shaqo oo ay ka faa’iidaysteen muwaadiniin tiradoodu dhan tahay 480,664 qof, sidookale waxaa la bixiyey lacagaha daynta wareegta oo dhan 905,897,200 Birr.
7. Xoriyadda muwaadinka
Isbadalkii kaddib, xukuumaddu waxay qaadday tallaabooyin lagu sugayo xuquuqda bani’aadam ee shakhsi iyo ilaalinta xoriyatul-qawlka waxaana lixdii sano ee u dambaysay isbedd lagu sameeyey adeegga caddaaladda, si loo xaqiijiyo helitaanka adeeg cadaaladeed iyo garsoor madax bannaan.
Haddaba, maanta oo aan u astaynnay, maalinta dib-u-habaynta, waxay muujinaysa in isbeddelkii deegaanka ka dhashay lagu guulaystay kobac dhaqaale nidaam adeeg bixin oo hufan, adeeg wax-barasho, xirfad iyo hagaajinta adeega caddaaladeed. Xukuumadda DDS waxaa ka go’an in la sii xoojiyo adeegyada ku salaysan rabitaanka bulshada.
WAAD MAHADSANITIHIIN!