Madaxweyne kuxugeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa sheegay in lixdii sano ee la soo dhaafay daddaal dheer xukuumaddu galisay haggaajinta iyo dib-u-habaynta adeeg-bixinta kala duwan.
Xuska maalinta dib-u-habeynta oo loo asteeyey 2-da bisha Bagume oo lagu qabtay magaalada Jigjiga ayaa looga hadlay guullaha wanaagsan ee laga gaadhay adeeg-bixinta, horumarka iyo dhaqaalaha lixdii sano ee isbaddelka ka dambaysay, waxaana intii ay munaasibaddani socotay lagu soo bandhigay muuqaal guud oo ka hadlaya guullaha laga gaadhay dhinacyada horumarka, caddaalada iyo adeeg-bixinta.
Madaxweyne Kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo munaasibaddan 2da bisha Bagume ee loo asteeyey maalinta dib-u-habaynta ka hadlay ayaa sheegay in lixdii sano ee isbaddelka ka dambaysay wax-wayn laga qabtay dib-u-habaynta iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada ka xukuumad ahaana ay sii wadi-doonaan si kor loogu qaado qanaca bulshada.
Ugu dambayntii waxaa abaal marin la guddoonsiiyey Xafiisyadii, shirkadihii iyo shakhsiyaadkii hormuudka ahaa.
Somali Nerwork 24