Xeer lagu kordhinayo raasamaalka Bangiga Ganacsiga Itoobiya ayaa la ansixiyay
Kalfadhiga 4-aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Wakiiladu waxa ay ku ansixiyeen xeer lagu dhimayo culayska saaran Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya isla markaana lagu kordhinayo raasamaalka bangiga.
Sidoo kale, waxa golaha sharaxaad siiyay wasiirka Wakiilka Dawladda ee Golaha Wakiilada Shacabka Tasfaaye Baljge (Dr.) isagoo sheegay in hay’adaha horumarinta aanay dib u soo celin daymihii ay ka qaadan jireen bangiga ganacsiga, isla markaana ay ribada dayntu noqotay mid aad u badan, culaysna ay saartay bangiga.
Xogta golaha ayaa lagu sheegay in maadaama uu bangigu yahay bangi aad u weyn, waxaa la go’aamiyay in lacag dhan 900 oo bilyan oo Birr laga bixiyo daynta dowladeed, lana kordhiyo raasamaalkii bilowga ahaa.
Dood ka dib wareegtada qabyada ah ayaa waxaa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay qabyo qoraaleedka xeerkan oo lambarkiisu yahay 1346/2017.