Waxaa xadhiga laga jaray Warshada soo saarista Oxygenta oo ay ku baxay 60 Milyan oo Birr.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Xafiiska Caafimaadka, Dr. Muuse Axmed ayaa xadhiga ka jaray warshadani oo maalintii soo saari doonta 150 haamood /cylinder.
Warshadan oo noqonaysa tii labaad ee soo raacda mida ku taala Jigjiga ayaa xaqiijin doonta adeegyada badbaadinta ee cusbitaalka iyo xarumuhu bixiyaan (Life saving interventions).
Adeeggan oo ah mid muhiim u ah cusbitaalkan iyo bulshada ku gaddaaman ee uu adeegga siiyo ayaa kamid ah daddaalada ay xukuumadda deegaanku ugu jirto in kor loo qaado lana tayeeyo adeeg-bixinta caafimaadka deegaanka.
Somali network 24