HomeWararka DDSBallaadhinta Cusbitaalka Sheekh Ibraahim Cabdala ee magaalada Godey ayaa la daah-furay.

Ballaadhinta Cusbitaalka Sheekh Ibraahim Cabdala ee magaalada Godey ayaa la daah-furay.

Ballaadhinta Cusbitaalka Sheekh Ibraahim Cabdala ee magaalada Godey ayaa la daah-furay.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Xafiiska Caafimaadka, Dr. Muuse Axmed ayaa xadhiga kajaray ballaadhinta Cusbitaalka Guud ee Sheekh Ibraahim Cabdala ee Godey.

Ballaadhinta cusbitaalka oo ay ku baxday lacag dhan 122,580,437 Birr ayaa kusoo kordhinayaa cusbitaalka awood adeeg-bixin, iyadoo lagu kordhiyay dhismayaal si buuxda u bixin doona adeegyada qaar sida: waardhiyada MCHka, waardhiyada bukaan jiifka , qaliinka, waardhiyada daaweeynta guud, iyo adeegyo badan kuwaas oo dhamaan buuxin doona baahida bulshada.

Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in xadhig-jarka maanta aan la odhan karin ballaadhin balse uu noqonayo dib-u-dhis marka la eego horrey cusbitaalku dhismayaashii uu ku shaqaynayay oon ucuntamin qiyamka magaalada Godey, dawladduna ay ka shaqaynayso sidii Refaral looga dhigi lahaa cusbitaalkani oo udeegga bulsho aad utiro badan.

” 30-kii sano ee isbaddelka ka horreysay waxaa deegaanka laga dhisay 9 cusbitaal halka xukuumadda isbaddelku muddada ay joogto ay dhistay 9 cusbitaal lana qorshaynayo in dhawaantan la dhiso 15 cusbitaal oo kale taasi oo la filayo in cusbitaaladii isbaddelka kahor jiray ay ku saddex jibbaarmaan”, Mudane Mustafe Muxummed Cumar

Madaxweynaha ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan laga shaqaynayo sidii bulshada looga haqab tiri lahaa adeegyada muhiimka u ah iyada oo dhanka kalana laga daddaalayo dheeli-tirnaanta mashaariicaha adeeg-bixinta iyo goobaha laga fulinayo.

Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS, Dr. Muuse Axmed ayaa sheegay in hadafka iyo himilada bahda caafimaadku uu sal uyahay abuuritaanka adeeg waara oo ka jawaabaya baahida bulshadeena, si loo arko bulsho caafimaad qabta oo wax soo-saar leh, barwaaqana gaadhi karta.

Wasiirka ayaa yidhi; Waxaan goob walba oo deegaankeenna kamid ah gaadhsiinaynaa adeeg tayo leh. Hiigsiga noocan ah waxaan ku gaadhaynaa oo aan dajinay qorsheyaal kala duwan sida qorshaha 3da sano, 10ka sano iyo midka sanadlaha ah oo meel fiican noo maraya ayuu kusoo gunnaanaday Wasiirku haddalkiisa.

Waxaa xusid mudan in cusbitaalka Godey ay dawladdu ugu magac dartay Sheekh Ibraahim Cabdala oo ahaa naftii hure udhintay qadiyada iyo xoriyada bulshada deegaanka. Madaxwayne Mustafe ayaana caddeeyay in xukuumaddiisu ay ka go’antahay in la maamuuso oo la sharfo shaqsi walba oo uhalgamay, una dhintay masiirka ummadda deegaanka.

Somali network 24

RELATED ARTICLES

Wararka ugu Dambeeyey

Recent Comments