HomeArimaha BulshadaDhulku qurux intuu leeyihiyo qiimo lagu dhaabay

Dhulku qurux intuu leeyihiyo qiimo lagu dhaabay

Dhulku qurux intuu leeyihiyo qiimo lagu dhaabay
Dhirtu inay gabboodkiisa tahay dhawrta celinaysa
Inuu ubuxu dheehiis yahoo dhalan ku muuneeyo
Haddii aan dharaariyo bil iyo dhawr gu’ falanqeeyo
Ama dhiigga faallada u huro sabanno dheeraada
Ma idiin dhadhamayaa bulshooy gabay dhawaaqiisu?

Nimankaa galoolkii dhishee cunaya dheemaalka
Ee dhinbiil hillaacaysa iyo saaray dhamac oogan
Ee dhibkeena loo uumayee dhabarjab raacdeeya
Haddaynaan idaylkeen dhengedo dhawda kaga saarin
Oon dhaliisha lama daawadee dhinac ka soo joogsan
Oo jeel dhukaaliyo la dhigin dhamacda hoygeeda
Dhayal buu nabaad guur u iman ina dhantaalaaye
Dhulka beerta yaynaan abaar dhagagsan jiilaale

Dhirtoo ubaxle dhabaq iyo carfoon qurux la sii dheehdo
Ama galin dhaqaaq lagu nastiyo maalin dhalandhoolka
Ama dhuuni laga kaydsadiyo dhigasho loo aayo
Ama dhayme lagu baanan karo dhaawac kugu yaalla
Asal laga dhanbalo baa jiriyo daawo dhumuc weyne
Dhiig joojin baa lagu hubaa dheenta qudhaceede
Marna dhaqan horweyn dhaysiyaa dhebi la daajaaye
Marna dhigaha aqalkeenna iyo xididdo dhuudhuuban
Balse haatan agabkii la dhaaf dhoonkastooy tahaye
Dhaar waxan ku marayaa haddeer laysu soo dhigaye
Dhankastoo la eegaba haddaa laysu soo dhacaye
Maacuun dhabeeleed haddaan cidina dhawrayne
Waa lagu dhabcaalaa sedkaad dhuux u leedahaye
Waa dhalashadeenii dhulkaa loo dhadhabayaaye
Dhaqaalaynta ciiddeena waa kaba dhuyaasheene
Tacab buu dhulkani kaa rabaa dhuuxa loo huro e
Habeenkaa dhibbaad lagu kabaa lana dhabeeyaaye
Dharaartaa samaantiisa badan loogu dhididaaye
Hadduu maanta dheeliyo barray dhimasho taallaaye
Ubadkaagu dheegoow aday kaa dhur sugayaane
Hilbo dheeriyiyo waxay rabaan kayd in loo dhigo e
Haddii aannad dhiidhiyin saxare wuu u dhaw yahaye
Nabaad guur inaynaan ku dhicin dhalan rog aafooba
Dhulka beerta yaynaan abaar dhagagsan jiilaale

A U.N abwaankii tiriyey

RELATED ARTICLES

Wararka ugu Dambeeyey

Recent Comments