HomeWararka DDSMaareeyaha Shirkada Abuurka Xulka Beeraha DDS ayaa sheegay in ay gabo'gabeeyeen diyaargarawga...

Maareeyaha Shirkada Abuurka Xulka Beeraha DDS ayaa sheegay in ay gabo’gabeeyeen diyaargarawga rarida abuurka tayaysan ee Xafiiska Beeraha ee DDS ugu talo’galay in uu gaadhsiiyo qaar ka mid ah gobollada Deegaanka.

Abuurkan tayaysan ayaa ah mid xafiiska beeruhu ka iibsaday Shirkada Abuurka Xulka Beeraha ee DDS kaasi oo ka kooban 4kun oo kiintaal oo loogu talo’galay in la gaadhsiiyo 39 degmo oo ka tirsan 8 gobol oo deegaanka ah, abuurkan ayaana ah galley nooca loo yaqaano Malkasa 4 oo ah mid la xaqiijiyay in ay ku haboon tahay Deegaanka.

Maareeyaha Shirkada Abuurka Xulka Beeraha ee DDS Mudane C/laahi Muxumed Faarax ayaa sheegay in abuurkan uu wax badan ka badali doono tirada iyo tayada waxsoosaarka Deegaanka.

Xafiiska Beeraha DDS ayaa sanadkiiba dhawr jeer abuurkan tayaysan ka iibsada Shirkada Xulka Beeraha, si loo gaadhsiiyo beeralayda Deegaanka xili-roobaadyada kala duwan taasi oo qayb ka ah kor uqaadida waxsoosaarka beeraha.

Somali network 24

RELATED ARTICLES

Wararka ugu Dambeeyey

Recent Comments