Isgaadhsiintu waxay kamid tahay baahiyaha ugu waa wayn ee Shacabku codsadaan. Lixdii sano ee isbadalka waxaa lagu dadaalay in anteenooyinka isgaadhsiinta la gaadhsiiyo degmooyin iyo tuulooyin badan.
Adeega isgaadhsiintu wuxuu sahalay xog isweydaarsiga maamulka iyo shacabka, isticmaalka adeegyada Ambulaasta, arrimaha amniga iyo gurmadka deg dega ah, iyo isticmaalka adeega lacagaha elektrooniga ah.
Degmooyinka Anteenooyinka laga dhisay Isbadalkii kadib waa 20 Xarun Degmooyin oo kala ah: Goljano, Mula, Yoxoob, Mayumuluqa, Qubi, Gablalu, Lagahida, Waangey, Araarso, Yoocaale, Bilcilbuur, Godgod, Elele, Higloolay, Lehel-yucub, Daratoole, Xaraarey, Dekasuftu, Boqolmaayo iyo Horashagax.
Waxaa kaloo ballaadhin lagu sameeyey iyadoo anteeyin dheeri ah loo sameeyey magaalooyinka waaweyn sida Jigjiga, Gode, Qabridahar, Dhagaxbuur, Qabribayax, Hartasheekh, Wajaale, Doolo-ado iyo Jarati.
Intaa waxaa dheer in ka badan 30 magaalooyin yaryar iyo tuooyin waaweyn isugu jira oo lagadhisay isgaadhsiinta oo ay kamid yihiin: Mirqaan (Bookh), Daaresalaam(Garbo), Gabogabo(Marsin), Rabaso(Daroor), Bulaale (Dhagaxbuur ), Gogti (Harawo), Mire (Wardheer), Sarhaye (Gallaadi), Gambarey( Bookh), Sanxaskule( Mula), Anteenka( Dhagaxmadow) iyo Gabi (Hadhagaale).