Hirgelinta Siyaadaha Horumarinta bulshooyinkeena xoolo-dhaqatada ah waxay qayb ka qaadan karaan koboca, dhaqan dhaqaale iyo kor u kaca dakhliga guud.
Maadaaam deegaankeenu yahay 85% xoolo -dhaqato waa lagama maar maan in la helo siyaado cad oo taageeraya horumarinta Xoolo-dhaqatada.
Waa kuwan qaar kamida xeelado lagu taageeri karo horumarinta bulshooyinka xoolo-dhaqatada:
1. In la sugo xuquuqaha dhulka iyo helida dhul daaqsimeedka: In la hubiyo in bulshada xoolo dhaqatada ahi ay helaan dhul daaqsimeed sugan iyo in ay helaan dhul daaqsimeed dhaqameed si ay u taageerto ismarkaana uu wax isbadal horumarineed oo dhanka dhaqashada xoolaha ah loo helo.
2. Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha: In la isbadal lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha ee bulshada xoolo-dhaqatada ah ee adeegyada horumarinta bulshada sida helitaanka biyaha, waddooyinka, iyo adeegyada caafimaadka dadka iyo xoolaha si loo taageero caafimaadka iyo wax soo saarka xoolaha, korna loogu qaado tayada nolosha bulshada xoolo-dhaqatada ah.
3. Bixinta waxbarasho iyo tababaro: In la siiyo bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah fursado waxbarasho iyo barnaamijyo tababar si kor loogu qaado aqoontooda iyo xirfadahooda ku aaddan maaraynta xoolaha, iyo nidaam xoolo-dhaqato oo dagan.
4. In la taageero helitaanka suuqa: In bulshada xoolo dhaqatada ah loo fududeeyo sidii ay suuqyadu ugu iibin lahaayeen xoolahooda iyo wax soo saarka xoolaha sidoo kalena la siiyo tababaro ku saabsan xeeladaha suuqgeynta iyo isku xidhka suuqa.
5. In la horumariyo bey’ada deegaanka xoolo-dhaqatada si loo Dhiirri-geliyo-xoolo-dhaqashada iyo arimaha horumarinta iyo cagaarinta dhulka ee waara si looga hortago garo guurka iyo xaalufka, iyo sidoo kale in la horumariyo dhaqamada deegaanka ee ilaalinaya deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah.
6. Xoojinta nidaamyada taageerada bulshada: Kobcinta isku-xidhka bulshada iyo isku xidhka bulshooyinka xoolo-dhaqatada si loo taageero is-caawinta, wadaagga aqoonta dhaqameed, iyo xallinta khilaafaadka.
7. Xoojinta iyo kor u qaadista taageerada bulshada xoolo-dhaqatadaah :
In la siiyo haweenka iyo dhalinyarada xoolo-dhaqatada ah fursadaha horumarineed sida in ay helaan waxbarasho, tababaro, iyo door hoggaamineed, iyo sidoo kalena taageeraan oo ka qayb qaataan waxqabadyada dakhli-abuurista si loo helo koboc horumarin bulsho, mid dhaqan shaqaale iyo deegaanna.
.8.ka wada shaqaynta dawladda iyo hayada aan dawliga ahayn oyo : La-hawlgalayaasha hay’ada aan dawliga ahayn, iyo daneeyayaasha kale si loo abuuro barnaamijyo iyo siyaasado wax ka qabta baahiyaha gaarka ah iyo caqabadaha bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah.
9. In laga dhigo arimaha xoolo-dhaqatada: arimo Qaran (National ajenda) lana aqoonsado lana siiyo mudnaanta bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah hindise horumarineedna loo dajiyo si loo xaqiijiyo jiritaanka dhaqashada xoolaha iyo adkeysiga bulshada xoolo-dhaqatada ah
10. Ka qayb galinta Bulshada xoolo dhaqatada ah go’aanada masiiriga:
In bulshada xoolo dhaqatada laga qaybgeliyo qorshaynta, hirgelinta, iyo qiimaynta mashaariicda horumarineed si loo hubiyo in baahidooda, mudnaanta iyo codadka la maqlo lana ixtiraamo.
W/Q Abdirahman Wali Cabdi Kaatun