Arinta imtixaanaadka ardayda dugsiyadda sare maaha mid ku kooban Deegaanka Soomaalidda ee waa isbadal jira tan iyo intii la bilaabay in Imtixaanaadka Fasalka 12aad lagu qaado Jaamcadaha si loo xakameeyo qishka oo dhib wayn ku hayay nidaamka Waxbarashadda ee Dalka iyo Deegaankaba. Dal ahaan waxaa Imtixaanka u fadhiistay arday gaadhaysa 647,000, waxaana baasay 5.4%. Deegaanka Soomaalida waxaa baasay 1.2%. Dal ahaan ardayda baastay way hooseeysaa; deegaankana waan og nahay in dhanka tayadda aynaan la mid ahayn Addis Ababa, Harari iyo meelo horay tasiilaad fiican uga sii jireen.
Si guud Jaamacadaha Dalka ee Dawladu leedahay waxay qaataan arday aan ka badnayn 140,000 oo arday. Taas micnaheedu waxaa weeye ardayda guud ee imtixaanka u fadhiisata waxay jaamcadaha dalku qaadan karaan uun wax in yar ka badan 20%. Ma sax baa, ma qalad baa? Waa arin kale oo sideeda looga doodi karo.
Hadii 5% ay toos u baaseen, 15% ee ka dhimana waa la qaataa iyadoo la marinayo nidaam kabis ah. Markaa kal hore Ardayda dalka ee Jaamcadaha dawlada galay 130,000 ayay ahaayeen, sanadkana intaa in ka badan ayaa la qaadan doona. Deegaanka Soomaalidana arday ilaa 1500 ah ayaa jaamacadaha ku xarooday sanadkii hore. Waa tiro yar oo aan inagu filnayn, laakiin ka badan tirada dhowrka boqol ah ee sida tooska ah u baastay.
Dooda la xidhiidha tayadda Waxbarashadda marka la eego, tayo waxbarasho oo kolka Qishka la fasaxana 80% ay ardaydu baasayso, marka Qishka la joojiyana 5% baasayaan, maxay tahay? Si guud tayada Waxbarashada ee dalku ma fiicna, in la hagaajiyana way tahay. Laakiin tiro arday oo badan hadday baasaana tayaddu way fiican tahay; hadii arday badan dhacdana tayadu way xun tahay sax maaha. Sideey ku baaseen iyo sideey ku dhaceenna waa in ay qiimeeynta ku jirtaa.
Inta caqabadaha badan ee ku gadaaman ee ka baxsan joojinta qishka wax laga qabanayo siyaasadda kumeel gaadhka ah ee lagaga badbaadayo in arday badan dhaacan waa maxay, waa gar in la is waydiiyo. Hadiise halbeega tayadda Waxbarashada lagu soo koobo tirada ardayda baasaysa, markaa xalku ma wuxuu noqonayaa in sidii hore qishka la fasaxo si 80% ay jaamacadaha u galaan? Iyadoo waliba aan og nahay in 80% kuwa jaamacadaha qishka ku galay la soo eryi jiray Sanadka ugu horeeya!
Ardayda baastay hadaba iyadoo caqabado badan jiraan, maxaa gaar ah oo ay sameeyeen oo kuwa dhacay ayna samayn iyana waa meel laga bilaabi karo baadhiitaanka xalka dhibaatadda taagan.