Waxaa xadhiga laga jaray mashruucii ugu weynaa dalka Itoobiya ee laga dhaliyo korontada tamarta cadceeda oo ay ka faa’iidaysan karaan bulsho tiradeedu dhantahay 43,542 (7,257 qoys).
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta JDFI, Dr./Eng. Habtamu Itafa, ayaa xadhiga ka jaray mashruucani.
Mashruucani korontada laga dhaliyo tamarta cadceeda (Solar Project) ayay nasiib uheleen shacabka magaalada Boqolmaayo. Korontadani oo magaalada iyo nawaaxigeedaba siinaya adeeg laydh oo24 saac ah, ayaa soosaaraya koronto awooddeedu dhantahay 2000KW taas oo ay ka faa’iidaysan karaan bulsho tiradeedu gaadhayso 43,542 (7,257 qoys).
Isbaddelka kahor, tirada qoysaska hela adeegga korontada 24ka saac, waxay ahaayeen 38,030 (house hold) Intii isbaddelka ka danbaysay waxaa adeegga korontada 24ka saac loogaliyay 46,746 qoys oo cusub, taas oo tirada guud ee qoysaska hela adeegga korontada Deegaanka ka dhigaysa 84,778 qoys.
Waxaa sida ookale xusid mudan, in isbaddelkii kaddib kor loo qaaday qoondada uu Deegaanku ka helo mashaariicda laydh gelinta dalka, iyada oo laga qaaday 4% lana gaadhsiiyay 8.01% iyada oo laga faa’iidaysanayo fursadan, waxaa lagu guulaystay in adeegga laydhka 24ka saac la gaadhsiiyo 82 magaalo oo horleh. Kuwaas oo 25 kamid ah ay yihiin xarumo degmo halka 5 Magaalana ay yihiin xarumo gobol.
Somali network 24